RASMI: Argentina Vs Brazil: Meel Ku Qoro Wakhtiga La Ciyaari Doono Final-ka Copa America 2021

Waxa si Rasmi ah loo ogaaday xulalka isaga hor iman doona Final-ka tartanka Copa America 2021 iyada oo uu tartanku ku sii dhamaanayo in uu dhawaado.

Waxa la soo afjaray kulamada Semi-final-ka tartanka Copa America iyada oo ay labadii xul ee ugu dambeeyay xalay ku kala bexeen booska Final-ka tartanka.

Xulalka Argentina iyo Brazil ayaa isaga hor iman doona final-ka tartanka Copa America sanadkan iyada oo labada xul isaga hor iman doonaan kulanka kama dambaysta ah.

Xulalka Argentina iyo Brazil ayaa ku dagaalami doona koobka Sanadkan iyada oo mid walba diyaar u yahay in uu wax walba u sameeyo sidii uu ugu guulaysan lahaa koobka.

Kulanka ayaa soo gali doona 3 habeenimo wakhtiga Somaliya 11 bisha July kuna beegan maalinta Axada ah ee soo socota.


Source: laacibfm

SHARE