Shaxda Ay Liverpool Ku Ciyaari Karto Kulanka Norwich City Iyada Oo Ay 5 Xiddig Seegi Doonaan Kulankaas.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa isku diyaarinaya kulankiisa ugu horeeya xilli ciyaareedka cusub ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto kooxda Norwich City.

Klopp ayaa is badal weyn ku samayn doona shaxdiisa kulanka ugu horeeya sabab la xidhiidha in uu waayi doono xiddigo ka maqnaan doonaan fasax sabab la xidhiidha in ay waajibaadkooda ku maqan yihiin.

Xiddigaha Roberto Firmino, Fabinho, Alisoon, Thiago & Henderson ayaa dhamaantood qaadan doona fasax dheeraad ah maada ay meelo fog la gaadheen xulalkooda tartamada euro 2020 iyo Copa America.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegay in ay 5-ta xiddig seegi doonaan kulanka Norwich City iyada oo uuna tababaruhu khatar galin doonin waliba siin doono fasax dheeraad ah.

Liverpool could look very unfamiliar on the opening day at Norwich


Source: laacibfm

SHARE