Xiddig U Ciyaara Arsenal Oo Dhaawac Looga Saaray Ciyaaraha Olombikada

Daafaca Arsenal Gabriel Magalhaes ayaa laga saaray Liiska xulka Brazil ee ka qeyb galaya ololaha Tokyo 2020 ee Olombikada ka dib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay xiddiga.

Gabriel ayaa ka qayb ahaa 18-kii xiddig ee loo xushay in uu xulka Brazil uga qayb galo ciyaaraha bilaaban doona bishan dhamaadkeeda.

Laakiin xiddiga 23 jirka ah ayaa xanuun ka dareemay jilibka kadib markii uu tababarkii ugu horeeyay la qaatay xiddigaha ka qayb galaya tartanka

Taas ayaa keentay in dhakhaatiirta xulku go’aansadeen in xiddiga laga saaro Liiska kadib markii baadhitaan lagu ogaaday in uu xiddigu ka dhaawacan yahay jilibka.

Xiddiga ayaa haatan ku soo laaban doona Arsenal isaga oo bilaaban doona soo kabsashadiisa dhaawaca si uu diyaar ugu noqdo bilowga xilli ciyaareedka cusub.


Source: laacibfm

SHARE