Xulka England Oo Iska Xaadiriyay Final-ka Euro 2020 Kadib Guul Dirqi Ah Oo Ay Ka Gaadheen Denmark

Xulka qaranka England ayaa iska xaadiriyay Final-ka euro 2020 kadib markii ay garaaceen xulka Denmark kulan xiiso lahaa oo ka dhacay garoonka Wembley.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada xul soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah mid walbana raadinayay sidii uu golal u dhalin lahaa.

Xulka England ayaa si dar-dar leh ku bilowday ciyaarta xilli uu xulka Denmark difaac ku bilowday ciyaarta iskana ilaalinayeen in goolal wakhti hore ah laga dhaliyo.

Daqiiqadii 30-aad ayuu xulka Denmark si lama filaan ah hogaanka ugu qabtay ciyaarta iyaga oo uu gool laad xor ah oo qurux badan u dhaliyay xiddiga Mikkel Damsgaard kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Xulka England ayaa hurdada ka kacay iyaga oo goobo galiyay xulka Denmark si ay u dhaliyaan goolka bar-baraha uguna soo laabtaan ciyaarta.

Dhanka kale xulka Denmark ayaa ciyaarayay kubad rogaal celis ah iyaga oo helay fursado cajiib ah laakiin aan ka faa’iidaysan in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta.

Daqiiqadii 39-aad ayuu xulka England helay goolka bar-baraha waxana goolkiisa si khaldan uga dhaliyay daafaca Simon Kjaer kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 uu xulka England ku soo laabtay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada xul ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah laakiin labadooduba dhalin kareen goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid adag oo ay labada xul sameeyeen fursado fiican laakiin uuna midkoodna gool dhalin inkasta oo ay fursado fician heleen.

Waxa lagu daray ciyaarta 30 daqiiqo si ay labada xul u kala baxaan midkoodna isaga xaadiriyo final-ka tartanka kuna biiro xulka Italy oo gaadhay final-ka tartanka.

Daqiiqadii 104-aad ayuu xulka England helay rikoodhe waxana laaday xiddiga Harry Kane kaas oo markii hore laga qabtay kubada laakiin uu ku celiyay markii ay ka soo booday Goolhayaha.

Weeraryahanka ahna Kabtanka xulka England ee Harry Kane ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa kana dhigay ciyaarta 2/1 uu xulka England hogaanka ugu qabtay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka England iska xaadiriyay Final-ka tartanka euro 2020 waliba balansaday xulka wacdaraha dhigaya ee Italy.


Source: laacibfm

SHARE