Daawo: Qaabkii Ay Taageerayaasha PSG U Soo Dhaweeyeen Sergio Ramos

Daafaca Sergio Ramos ayaa soo dhawyn cajiib ah kala kulmay taageerayaasha kooxdiisa Cusub ee PSG Kuwaas oo si weyn u soo dhaweeyay kadib markii uu ku biiray kooxdooda.

Maanta ayay PSG si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga reer France kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Real madrid dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Waxa la helay muuqaal muujinaya Ramos oo saxiixyo siinaya taageerayaasha kooxdiisa PSG kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska isaga oo helay soo dhawayn diiran oo cajiib ah.

Ramos ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka dhisan caasimada France isaga oo ka tagay Real Madrid kadib 16 sano oo uu joogay kooxda ku ciyaarta Los Blancos.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka qaabka loo soo dhaweeyay Sergio Ramos.


Source: laacibfm

SHARE