Faah-Faahinta Heshiiska UU Renato Sanches Ugu Biirayo Liverpool Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Renato Saches kaas oo la filayo in uu noqdo saxiixii 2-aad ee kooxda Liverpool suuqa xagaagan.

Tababare Klopp ayaa Sanches u doonaysa badalka Gini Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda Liverpool kadib markii uu dhacay heshiiskiisii kooxda Dhamaadkii xilli ciyaareedkan.

Saxafiga reer Portugal ee Pedro Almeida ayaa sheegaya in ay Liverpool ku dhawdahay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga maalmaha soo socda iyada oo labada kooxood ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa xiddiga.

Isla saxafiga ayaa sheegay in ay labada kooxood ku dhawyihiin in ay ka heshiiyaan saxiixa oo ku kici doona lacag dhan 37 milyan oo euro iyo 3 milyan oo guno ah.

Xiddiga Sanches ayaa saxiixi doona heshiis ilaa xagaaga 2026 ah oo uu kooxda sanadkii mushahar uga qaadan doono lacag dhan 4.2 milyan oo euro iyo 2 milyan oo Gunooyin ah kuna xidhan qaab ciyaareedkiisa.


Source: laacibfm

SHARE