Italy Mise England? Jose Mourinho Oo Magacaabay Xulka Uu Doonayo In Uu Ku Guulaysto Koobka Euro 2020.

Tababaraha Kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa sheegay in uu kulanka Italy Vs England ee Euro 2020 noqon doono kulan adag waliba yahay mid ay taageerayaashu ku raaxaysan doonaan.

Sidoo kale Jose Mourinho ayaa sheegay in uu taageerayo kulankaas xulka qaranka Italy isaga oo sharaxay sababta uu u taageerayo xulka Saddexda Libaax.

Jose Mourinho oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan dareemayaa in aan xidhiidh la leeyahay xulka Italy sabab la xidhiidha in aan tababare u ahay kooxda Roma waliba xulka Italy u ciyaarayaan xiddigo u ciyaara kooxdayda Roma”.

“Laakiin anigu waxa aan taageerayaa xulka England sababta oo ah waxa aan doonayaa in uu Harry Kane kor u qaado koobka sanadkan”.

Xulka England ayaa doonaya in uu markii ugu horaysay ku guulasto koobka Euro-da taariikhdooda halka uu xulka Italy doonayo in uu tartanka ku guulaysto markii 4-aad ee taariikhdooda.


Source: laacibfm

SHARE