Wakhtiga Arsenal Ku Dhawaaqi Karto Saxiixa Ben White Oo La Ogaaday.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay weli kalsooni ku qabto inay lasoo saxiixan doonto xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Brighton ee Ben White inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in ayna Brighton iibinayn xiddiga.

Gunners ayaan wali kooxda Brighton kala heshiin saxiixa xiddiga taas oo keentay in ay kooxaha chelsea, Everton iyo Man City xiiso u muujiyaan saxiixa xiddiga 23 jirka ah.

Si kasta ha ahaatee saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Arsenal ku kalsoontahay in ay Brighton kala heshiin doonto saxiixa xiddiga reer England maalmaha soo socda.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in uu xiddigu haatanba heshiiska Shaqsiga ah la gaadhay Arsenal lagana yaabo in ay kooxdu saxiixa xiddiga ku dhawaaqdo kadib dhamaadka tartanka Euro 2020.

Xiddiga Ben White ayaa Brightn kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah waxana ay kooxdu xiddiga ku qiimaysaa lacag kor u dhaafaysa 50 milyan oo euro.


Source: laacibfm

SHARE