England Mise Italy? Jamie Carragher Oo Saadaaliyay Xulka Ku Guulaysan Doona Euro 2020 & Qaabka Lagu Kala Bixi Doono.

Halyeeyga Liverpool Jamie Carragher ayaa ku taageeray England inay rigoorayaal kaga Badiyaan Italy finalka Euro 2020 ee todobaadkan.

Xulka England ayaa iska xaadiriyay Final-ka Euro 2020 kadib markii ay 2/1 kaga badiyeen Xulka Denmark kulan ka dhacay Wembley Arbacadii.

Xulka Saddexda Libaax ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay xulka Denmark kadib markii ay ciyaartu gaadhay 120 daqiiqo kadib kulan xiiso lahaa.

Guushaas ayaa la macno ah in xulalka Italy iyo England isaga hor iman doonaan kulanka final-ka euro 020 kulan ka dhici doona garoonka Wembley.

Carragher ayaana rajaynaya in uu xulka England guul dirqi ah ka gaadho xulka Italy kuna guulaysto koobka Euro 2020 sanadkan.

“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto ciyaar aad u adag,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Waxaan u maleynayaa in lagu kala bixi doono rikoodhayaal waxana badin doona xulka England”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE