Intee Marayaa Baacsigii Chelsea Ee Haaland , Laacibka Miyuu Cadaadinayaa Dortmund?

Weeraryahanka Dortmund ee Haaland ayaa lagu waramayaa in uu ku faraxsan yahay in uu u wareego kooxda Chelsea , waxaana haatan kaliya la sugayaa in Chelsea ogalaato bixinta lacagta ay dalbaneyso kooxda reer Jarmal .

Sidaas oo ay tahay warar kale ayaa sheegaya in Dortmund ku adkeysaneyso in laacibkaan haystaan xagagaan haddii aan la  helin koox bixisa lacagta ay dalbaneyso

Chellsea ayaa ah kooxda ugu xooggan ee dooneysa laacibkaas xilli la ogsoon yahay in qiimaha Haaland ee xagaaga dambe uu noqonayo 68 milyan  balse haddii ay haatan doonayaan waxa ay Dortmund ku adkeysaneysaa aduun dhan 150 milyan oo euro

Sida 90min laga soo xiganayo ,  Haaland waxa uu kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu aado Chelsea isla markaana kula taliyay Dortmund in dhab ay ka noqdaan wada xaajoodka

Haatan , Chelsea waxa ay diyaar la yihiin lacag ku dhaw 135m , waxa ayna diyaar u yihiin in ciyaartooy ku soo daraan hishiiska haddii qiimaha ay dhinto Dortmund

Haaland ayaa xilli ciyaareedki hore waxa uu kooxda Jarmalka u dhaliyay 41 gool ka dib 41 kulan dhamaa tartamada waxaana hishiiskiisa haatan ka harsan muddo sedex sano ah


Source: laacibfm

SHARE