Italy Mise England? Alessandro Perini Oo Magacaabay Xulka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Euro 2020.

Xiddigii hore ee xulka qaranka Italy ee Alessandro Perini ayaa sheegay in uu xulka England haysto fursado ka badan xulka Italy marka laga hadlayo ku guulaysiga tartanka Euro 2020.

Xulalka Italy iyo England ayaa isaga hor iman doona Final-ka Euro 2020 kulan Axada ka dhici doona garoonka Wembley.

Wareysi uu siiyay TV-ga TMW, Alessandro Perini Ayaa kaga hadlay Final-ka ka dhici doona Wembley una dhexeeya xulalka Italy iyo England kana tirsan tartanka Euro 2020.

“Xulka England ayaa ah xulka ugu cad-cad ku guulaysiga euro 2020 sabab la xidhiidha in ay ku ciyaarayaan garoonkooda iyo taageerayaashooda hortiida laakiin Italy sidoo kale waxa ay ku jirtaa qaab ciyaareed fiican waxana ay garanayaan sida loo badiyo kulamada waaweyn”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Xulka England sidoo kale waxa ay u ciyaarayaan si fiican laakiin xulka Italy ayaa haysta xiddigo fiican marka laga hadlayo shaqsiyaadka xiddigaha waxana aan u baahanahay in aan ogaano in aan garoonka keeni karno qaab ciyaareedkeena ugu fiican”.


Source: laacibfm

SHARE