Madaxweynaha La Liga Javier Tebas Oo Ka Hadlay Fursadaha Barcelona Heshiis Cusub Uga Saxiixan karto Lionel Messi

Madaxweynaha Horyaalka Spain, Javier Tebas, ayaa kalsooni ku qaba in Barcelona ay awoodi doonto inay diiwaangeliso Lionel Messi waqtigeeda bilowga xilli ciyaareedka cusub inkasta oo ay dhibaato dhaqaale haysato.

Tebas ayaa qirtay in horyaalada kale ee Yurub ay u dabaaldegi doonaan hadii Messi uu ka tago La Liga laakiin wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in Barcelona ay xallin doonto dhibaatada heshiiska cusub.

“Dabcan, horyaalada kale waxa ay ku farxi lahaayeen in uu Lionel Messi ka tago La Liga, laakiin aan eegno waxa dhaca”ayuu yidhi.

“Inta aan ogahay, wali koox kale kuma biirin, haatan waxa uu u dhawyahay in uu heshiis cusub u saxiixo Barcelona marka loo bar-baro dhigo in uu ka tago kooxda”.

Kooxda Barcelona ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa heshiis cusub ka saxiixato xiddiga sabab la xidhiidha in ay gaadheen xadigii mushaharka ee loo dhigay kooxaha horyaalka La Liga.


Source: laacibfm

SHARE