Maxaa Ka Cusub Xaaladda Messi Ee Barcelona , Go`aan Cusub Ayuu Qaatay.

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda France ayaa sheegaya in Messi uu ogalaaday in uu dhimo mushaarkiisa si hishiis cusub looga saxiixdo

Messi ayaa hishiiskiisa Camp Nou waxa uu dhamaaday bishii hore illaa iyo haatanna Barcelona kama saxiixiin mid cusub

Wax qarsoon ma aha in Barcelona ka sheeganeyso dhibaato dhaqaale  waana midda keentay in dib u dhac ku yimaado in Messi qalinka iyo warqadda is dul saaro.

Wargeyska L’Équipe ee France ayaa ilo  hoose ka soo xigaaa in Messi uu doonayo in uu sii joogo Barca isla markaana ka fikireyn in koox kale uga wareego

Warka waxa uu intas ku darayaa in Messi  ogalaaday in %50 uu dhimo mushaarkiisa si Barca u sii joogo ugana fariisto ciyaaraha

PSG ayaa si weyn loola xariirinayay laacibkaan waliba mushaar ka sareeya midkiisa haatan Barca ayay u balan qaadeen xilli Man City iyana qeyb ka aheyd baacsigiisa

Horay warar u soo baxay waxa ay sheegeen in Messi ogalaaday in uu saxiixo hishiis gaaraya laba sano.


Source: laacibfm

SHARE