DEG-DEG: Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Nuno Tavares & Lambarka Uu Kooxda U Xidhan Doono Oo La Shaaciyay

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Nuno Tavares kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay.

Xiddiga Tavares ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda Benfica waxana uu noqday saxiixii ugu horeeyaya ee ay Arsenal samayso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xaaagan.

Gunners ayaa heshiis wakhti fog ah ka saxiixatay xiddiga kaas oo uu kooxda ku joogi doono kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska.

Arsenal ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu xiddiga Nuno Tavares kooaxda u xidhan doono N.20 waliba todobaadkan la bilaaban dono tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

“Waan soo dhawaynaynaa Nuno, waa xiddig da’yar ah oo u soo baxaya ku bada cagta kaas oo sameeyay horumar la taaban karo sanadihii ugu dambeeyay”ayuu Mikel Arteta yidhi


Source: laacibfm

SHARE