Ronaldo, Kane and Sterling: Ayaa Ku Guulaysan Doona Kabta Dahabka Ah Ee Euro 2020.

Inkasta oo xulka qaranka Portugal looga reebay tartanka euro 2020 wareegii 16-ka hadana Cristiano Ronaldo ayaa weli ku sii jeeda wadadii uu ugu guuleysan lahaa Kabta Dahabka ee Euro 2020, in kasta oo ay suurta gal tahay in Harry Kane ama Raheem Sterling ay ka hor mari karaan hadii ay goolal dhaliyaan kulanka Final-ka euro 2020.

Ronaldo ayaa dhaliyay kulan kasta oo uu ka qayb qaatay tartanka euro 2020 isaga oo dhaliyay 5 gool isaga oo la goolal ah xiddiga Czech Rebaplic ee Patrick Schick laakiin Ronaldo ayaa caawin sameeyay taas oo la macno ah in uu isagu hogaaminayo gool dhalinta.

Dhanka kala xiddigaha Kane iyo Sterling ayaa kala dhaliyay 3 iyo 4 gool intii ay ciyaarayeen tartanka euro 2020 ee sanadkan waxana ay ciyaari doonaan kulanka kama dambaysta ah ee final-ka.

Labada xiddig ee Kane iyo Sterling ayaa ogsoon in ay ku guulaysan karaan gool dhalinta hadii ay dhaliyaan goolal kulanka kama dambaysta ah ee tartanka Euro 2020.

Kane ayaa ugu cad-cad in uu ku guulayst marka loo eego in uu leeyahay 4 gool kaliyana u baahanyahay gool kulanka Italy ee final-ka


Source: laacibfm

SHARE