Shaxda Ugu Fiican Ilaa Haatan Euro 2020 Oo La Soo Saaray.

The Euro, European Championship Before? Because of the Corona Virus, Covid-19, the EM 2020 is about to be relocated firo: LONDON, ENGLAND – SEPTEMBER 21: The Henri Delaunay Cup with the EURO 2020 logo during the UEFA EURO 2020 Launch Event at City Hall on September 21, 2016 in London, England EM Euro European Championship 2020 Logo Trophy Trophy in general | usage worldwide

Waxa aan halka hore ku soo bandhignay shaxda ugu xun tartanka Euro 2020 ilaa haatan iyada oo la galayo kulankii ugu dambeeyay ee tartanka sanadkan.

Shabakada Whoscored ayaa markan soo saartay shaxda ugu fiican waliba heshay qiimaha ugu sareeya tartanka Euro 2020 ilaa haatan kadib markii ay muddo bil ah socotay.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay tartanka sanadkan inkasta oo ayna xulalkoodu gaadhin kulanka kama dambaysta ah ee tartanka.

Arinta la yaabka leh ayaa ah in xulka Italy oo lagu qiimeeyo xulkii ugu fiicnaa tartanka tan ilaa markii uu bilowday uu kaliya 2 xiddig ku yeeshay shaxda ugu fiican tartanka ilaa haatan.

Dhanka kale xulka England ayaa shaxda ugu fiican ku leh 3 xiddig halka xulalka Germany, Belguim, Sweden, Portugal Czech Rebpulic iyo France min hal xiddig ku leeyihiin shaxda ugu fiican tartanka.


Source: laacibfm

SHARE