Daawo: Qaabkii Uu Lionel Messi Ugu Dabaal Dagay Ku Guulaysiga Copa America

Xiddiga Lionel Messi ayaa ugu dambayn ka baxay Abaarta koob la’aanta xulka qarankiisa isaga oo xulka Argentina kula guulaystay koobka Copa America 2021 kadib markii ay araaceen xulka Argentina.

Gool uu dhaliyay xiddiga Angel Di Maria ayaa Xulka Argentina uga filnaaday in ay ku guulaystaan koobka Copa America markii 15-aad ee taariikhdooda.

Kabtanka xulka qaranka ee Lionel Messi ayaa dhankiisa markii ugu horaysay koob kula guulaystay xulka qarankiisa isaga oo ka baxay abaartii koob la’aanta xulka qarankiisa.

Lionel Messi ayaa la filayaa in uu ciyaaray kulankii ugu dambeeyay ee xulkiisa dhanka ciyaaraha caalamiga maadama uu sii weynaanayo laakiin waxa uu kafa fadhiisan doonaa si fiican hadii ay dhacdo.

Hadaba Halkan ka daawo qaabkii uu Lionel Messi kor ugu qaaday koobka Copa America 2021.

[embedded content]


Source: laacibfm

SHARE