Paul Pogba Oo Go’aansaday Kooxda Uu Ku Biiri Doono Xilli Uu Doonayo In Uu Ka Tago Kooxda.

Xiddiga Manchester United Paul Pogba ayaa doonaya inuu ku biiro Paris Saint-Germain xagaagaan, sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ayuu kaliya hal sano uga hadhay heshiiskiisa kooxda Man United waxana uu diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo haatan u muuqata in uu isaga tagayo kooxda.

Manchester United ayaa u maleyneysay inay ku guuleysteen markii ay lasoo saxiixdeen Pogba xagaagii 2016, iyagoo bixiyay 89 milyan oo euro si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Laakiin, shantii sano ee uu joogay kooxda Old Trafford waxa uu ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedki laga filayay.

Wararka la xidhiidhinaya PSG ayaa sii xoogaysanaya todobaadyadii ugu dambeeyay waxana ay kooxda reer France doonaysaa in ay Pogba ka dhigto saxiixeeda ugu weyn xagaagan.

Xiddiga 28 jirka ah oo uu hal sano ka hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Man United ayaa go’aansaday in uu ku biiro kooxda PSG xagaagan hadii uu ka tago Man United


Source: laacibfm

SHARE