Real Madrid Oo Shaacisay Xiddig Calaamada Kabtanadama Ka Badalay Sergio Ramos.

TOPSHOT – Real Madrid’s Brazilian midfielder Casemiro (C) celebrates after scoring a goal during the Spanish league football match between Real Madrid CF and Club Atletico de Madrid at the Alfredo di Stefano stadium in Madrid on December 12, 2020. (Photo by OSCAR DEL POZO / AFP)

Kooxda Real Madrid ayaa shaacisay in uu Xiddiga Marcelo noqday kabtanka 1-aad ee kooxda Real Madrid kadib bixitaankii Sergio Ramos.

Ramos ayaa isaga tagay kooxda Real Madird kadib 16 sano oo uu joogay kooxda waliba 6 sano kabtan u ahaa kooxda kadib markii uu dhacay heshiiskiisii kooxda.

Haatan xiddiga reer Brzil oo 33 jir ah oo ku jira xilli ciyaareedkiisii 16-aad ayaa isku diyaarinaya in uu noqdo kabtanka 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka cusub.

Kadib markii uu noqday kabtanka Marcelo ayaa yidhi”Waxa sharaf ii ah masuuliyada in aan noqdo kabtanka kooxda ugu weyn, aad ayaan u nasiib badanahay”.

“Marka aad xiddig Real Madrid tahay waxa aad subax walba soo kacaysaa adiga oo buuxa rabitaan iyo in aad ku guulaysatid koobab”.


Source: laacibfm

SHARE