RASMI: Gianluigi Donnarumma Oo Ku Guulaystay Xiddigii Ugu Fiicnaa Tartanka Euro 2020

Goolhayaha xulka qaranka Itlay ee Gianluigi Donnarumma ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa tartanka Euro 2020 kadibn markii uu dhamaaday tartanka Euro 2020 sanadkan.

Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa xulka qarankiisa Italy ku hogaamiyay koobka Euro 2020 kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay intii uu tartanku socday.

Gianluigi Donnarumma ayaa door weyn ka ciyaaray tartanka euro 2020 isaga oo ka mid ahaa xiddigaha furaha u ah in uu xulka Italy ku guulaysto tartanka sanadkan.

Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa 3 kulan shabaqa ilaashaday halka uu 9 badbaadin sameeyay intii uu socday tartanka Euro 2020.

Dhanka kale Goolhaye Gianluigi Donnarumma ayaa laba kulan wacdaro ka dhigay rikoodhayaal ay gaartay ciyaartii uu xulka qarankiisu gaadhay kulamadii Spain iyo England.


Source: laacibfm

SHARE