XASAASI: Hictor Bellerin Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Arsenal & Kooxda Uu Doonayo In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday.

Xiddiga daafaca Midig uga ciyaara kooxda Arsenal ee Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uu warqada bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxda Arsenal si uu uga tago kooxda xagaagan.

Hector Bellerin ayaa maamulak kooxdiisa u sheegay in ay ka iibiso Inter Milan inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan si uu u ciyaaro tartan kale.

Wargayska Sun ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Spain maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Inter Milan suuqa xagaagan.

Inter Milan ayaa dhankeeda doonaysa saxiixa xiddia iyaga oo u arka badalka xiddiga Achraf Hakimi kaas oo kooxda ka tagay kuna biiray kooxda PS.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Arsenal diyaar u tahay in ay Hector Bellerin u ogolaato in uu ku biiro kooxda Inter Milan laakiin waa in ay kooxda Reer Italy dalab fiican miiska saarto.


Source: laacibfm

SHARE