Arsenal Oo Guuldaro Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro ku bilaabatay isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda reer Scotland ee Hibernian kulan ay xiddigo kooxda 1-aad a ciyaareen.

Tababare Mikel Arteta ayaa laba shaxood ku soo galay labada qaybood ee ciyaarta maadama uu doonayay in uu fursad siiyo dhamaan xiddigaha uu kooxda ku haystay tababarkii todobaadyadii la soo dhaafay.

Kooxda Hibernian ayaa ahayd mid ka fiican Arsenal qaybtii hore ee ciyaarta iyaga oo si qurux badan u ciyaarayay kana awood badnaa kooxda Arsenal kuwaas oo aan si fiican ku bilaaban ciyaarta.

Daqiiqadii 21-aad ayay Kooxda Hibernian dhalisay goolka 1-aad kadib markii uu Goolhayaha Arsenal khalad galay waxana u dhaliyay xiddiga Martin Boyle kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh iyada oo ay kooxda Hibernian sii waday qaab ciyaareedkii fiicnaa xilli ay Arsenal u muuqatay kuwo ka fiican qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 69-aad ayay Kooxda Hibernian dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Daniel Mackay kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay kooxdiisa Hibernian ku hogaaminayso kulanka.

Arsenal ayaa wixii intaas ka dambeeyay la wareegtay ciyaarta waxana ay kooxda Hibernian ku qaadayeen weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Daqiiqadii 82-aad ayay Arsenal dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Emile Smith Rowe kaas oo ciyaarta dib ugu soo celiyay ciyaarta kana dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal guuldaro ku bilaabatay kulankeedii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.


Source: laacibfm

SHARE