DEG-DEG: Jadon Sancho Oo Ku Baasay Tijaabada Caafimaadka Man United

Xiddiga Jadon Sancho ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka ka hor inta uuna si Rasmi ah u dhamaystirn heshiiska uu ugu biirayo kooxda Man United.

Inkasta oo aan xiddiga 21 jirka ah lagu arkin garoonka tababarka, waxa ka arkay gaadhi madaw oo saaka yimid garoonka tababarka taas oo la filayo in uu yahay Sancho oo maray tijaabada caafimaadka.

Arintan ayaa imamaysa maalmo yar kadib markii uu xulka England dhamaystiray koobka euro 2020 isaga oo ka mid ahaa xiddigii khasaariyay rikoodhada xulka England.

Kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka Sancho ayaa la filayaa in uu aado fasaxa ka hor inta uuna 3 todobaad kadib ku soo laaban kooxda bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Man United ayaa xilli ciyaareedka cusub bilaaban doonta 14 bisha August kulan ay marti galin doonaan kooxda Leeds United


Source: laacibfm

SHARE