Gianluigi Donnarumma Oo Kashifay Sababtii Uuna U Dabaal-Dagin Kadib Markii Uu Bukayo Saka Ka Badbaadiyay Rikoodhadii Guusha.

Geesiga Talyaaniga Gianluigi Donnarumma ayay taageerayaashu ku amaaneen jawaabta qabow ee uu ka bixiyay badbaadinta Bukayo Saka rigooradii muhiimka ahayd ee finalkii Euro 2020, laakiin waxaa soo baxday in falcelintiisu aysan ahayn sida muuqata.

Iyada oo labada xulba khasaariyeen laba rikoodhe xiddiga Saka ayaa ahaa xiddig xulka England mar kale u dhiibi kara hogaanka rikoodhayaasha laakiin Goolhaye Donnarumma kaa badbaadiyay rikoodhadaas.

Laakiin halkii uu dabaal dagi lahaa, Goolhaye Donnarumma ayaa muujiyay daganaan isaga oo u dhaqaaqay dhanka xiddigaha xulka Italy.

Taageerayaal badan ayaa arintaas u qaatay in uuna u dabaal dagin Ixtiraam uu u hayay taageerayaasha xulka England iyo waliba xiddiga Bukayo Saka laakiin 22 jirka ayaa haatan sheegay in uuna moodayn in ay rikoodhayaashu dhamaadeen.

“Maan dabaal dagin sababta oo ah ma Ogayn in aan guul gaadhnay”ayuu Donnarumma Yidhi.


Source: laacibfm

SHARE