Lionel Messi Oo Iska Diiday PSG & Go’aanka Uu Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Barcelona ee ayaa go’aansaday inuu sii joogo Barcelona isla markaana uu saxiixo qandaraas cusub inkasta oo uu xiiso waali ah ka helayo PSG.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa xor ah kadib markii uu damaaday heshiiska uu kula jiray kooxda kadib markii ay kooxdu ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Wadahalada u dhexeeya Lionel Messi iyo kooxda Barcelona ayaa socda xilli uu xiddigu u dabaal dagayo ku guulaysiga Copa America oo uu ku hogaamiyay xulka qarankiisa.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegay in ay kooxda PSG isaa hadhay baacsiga ay ugu jirta saxiixa xiddiga Lionel Messi waliba xiddigu go’aansaday in uu sii joogo kooxda Barcelona.

Warkan ayaa u ah mid fiican kooxda Barcelona kuwaas oo doonaya in uu heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga reer Argentine si ay kooxda ugu sii hayaan laba xilli ciyaareed oo kale.


Source: laacibfm

SHARE