Man City Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Antoine Griezmann

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inaysan xiiseyneynin saxiixa weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann.

Barcelonayuu cadaadis ku saaranyahay in ay iska iibiso xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda si ay u buuxiso xeerka La Liga ee mushaharka iyo in ay diwaan gashato xiddigaha cusub ee ku soo biiray kooxda taas oo shaki weyn galisay mustaqbalka Griezmann.

City ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Harry Kane laakiin lacagta Ay Tottenham dul dhigtay madaxiisa ayaa keentay in ay isaga hadho kabtanka reer England.

Si kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay,Manchester Evening News Kooxda Pep Guardiola ayaan wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga Antoine Griezmann suuqa xagaaga.

Kooxda Man City ayaan doonayn in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka Barcelona waxana ay diirada saari doontaa saxiixa xiddigo kale oo weerarka ka ciyaara.


Source: laacibfm

SHARE