Real Madrid Oo Shaacisay Kulan Saaxiibtinimo Oo Ay La Ciyaari Doonto Ac Milan

Real Madrid ayaa Haatanba bilowday diyaar garowga xilli ciyaareedka 2021/22, waxayna ku dhawaaqday kulan kale oo saaxiibtinimo oo ay isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka, markanna waxay la ciyaari doontaa AC Milan.

Los Blancos ayaa ku jirta todobaadkoodii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyada oo ay ka maqan yihiin xiddigaha ka qayb qaatay tartanka Euro 2020 iyo Copa America.

Kulan saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayaan Milan ayaa lagu dhawaaqay 8-da August kaas oo ka dhici doona garoonka Worthersee Stadion ee magaalada Klagenfurt ee dalka Austria.

Kooxda Ancelotti ayaa haatanba ciyaartay kulan saaxiibtinimo iyaga oo 3/1 ku badiyay kulan ka dhacay garoonka Valdebebas waxana ay la ciyaari doonaan kooxda Rangers.

Kooxda Real Madrid ayaa bilaaban doonta xilli ciyaareedkooda La Liga 14 bisha August kulan ay la ciyaari doonaan kooxda Deportivo Alaves.


Source: laacibfm

SHARE