Robert Lewandowski Oo Diyaar U Ah In Uu Ku Biiro Real Madrid

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa inuu u furan yahay inuu u dhaqaaqo Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga reer Poland ayaa wakhti fiican ku qaatay Bayern Munich isaga oo dhaliyay 294 gool 329 kulan oo uu u ciyaaray kooxda reer Germany.

Si kasta ha ahaatee marka loo eego in uu jiro 32 sano waliba 11 sano ku qaatay Germany waxa ay u muuqataa in uu doonayo in uu isaga tago kooxda tartan cusub qaata.

Sida laga soo xigtay AS, Lewandowski ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Lewandowski ayaa 2 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Bayern Munich waxana ay kooxdu diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga hadii ay hesho dalab fiican.


Source: laacibfm

SHARE