Sergio Ramos Oo Si Cad Uga Hadlay Dareenkiisa Ku Aadan Hadii Uu Ka Hor Yimaado Real Madrid.

Daafaca cusub ee kooxda PSG Sergio Ramos ayaa ka hadlay kooxdiisii hore ee Real Madrid iyo suurtagalnimada uu kaga hor tagi karo Xilli ciyaareedka dambe tartanka champions League.

Daafaca Ramos ayaa isaga tagay Real Madrid kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda Real Madrid kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Ramos ayaa ka hor iman kara kooxdiisii hore ee Real Madrid champions League xilli ciyaareedka dambe waxana uu ka hadlay hadii uu dabaal dagi doono iyo hadii kale hadii uu gool ka dhaliyo Real Madrid.

Sergio Ramos ayaa la weydiiyay waxa dhici doona hadii uu ka hor yimaado Real Madrid tartanka UEFA Champions League waxana uu ku jawaabay” Real Madrid waa kooxda ugu fiican taariikhda, marna Uma dabaal dageen hadii aan gool ka dhaliyo”.

“Waxa intaas sii dheer in ay Real Madrid ku taalo qalbigayga, waliba u qalmaan Ixtiraam-kayga, uma dabaal dageen xitaa hadii aan guul ka gaadho sababta oo ah uma qalmaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE