Jose Mourinho Oo Magacaabay Xiddig Man United Ah Ee Uu U Xunyahay Saxiixa Jadon Sancho.

Tababaraha Kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa rumaysan in imaatinka Jadon Sancho ee Man United ay saamayn xun ku yeelan doonto horumarka xiddiga Mason Greenwood ee Old Trafford.

Xiddiga Jadon Sancho ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka Man United waxana la filayaa haatan lagu dhawaaqo saxiixa xiddiga reer England suuqa xagaagan.

Tababare Jose Mourinho ayaa sheegay in uu xiddiga Greenwood ka qayb noqon karo xulka england ee koobka adduunka Qatar 2020 laakiin uu ka wal-walsanyahay 19 jirka.

Xaaladda Manchester United waxay noqon doontaa mid xiiso leh marka laga eego dhinaca England” Mourinho ayaa u sheegay The Sun.

Jadon Sancho wuxuu aaday United, Marcus Rashford sidoo kale waa joogaa Mason Greenwood wuxuu tusaale fiican u yahay Xiddig aan ka mid ahayn kooxdan laakiin ka qayb noqon kara xulka England ee koobka adduunka”.

“Saddex xiddig oo da’yar ah una ciyaara hal koox waliba u wada ciyaari kara xulka England”.

“Midkee ayaa xilli ciyaareed soo bandhigi doonaa laakiin midkee is qarin doona waliba aan ciyaari karin kulamo badan sabab la xidhiidha go’aanka tababaraha? Greenwood waxa uu haystaa tayo uu halkaas ku joogo”.


Source: laacibfm

SHARE