Taageerayaasha Arsenal Oo Durba Dalbanaya In Shaqada Laga Caydhiyo Mikel Arteta Kadib Guuldaradii Hibernian

Taageerayaal Arsenal Oo Xanaaqsan ayaa durba dalbaday in shaqada laga caydhiyo tabahare Mikel Arteta kadib markii ay kooxdu guuldaro ku bilaabatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Hibernian kulan ka tirsanaa kulamada labada kooxood ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Gunners ayaa lagu garaacay 2/1 ah iyada oo xiddiga Emile Smith Rowe yahay xiddiga goolka kaliya u dhaliyay Arsenal inkasta oo ay ciyaarayeen xiddigaha waaweyn ee kooxdu.

Taageere ayaa qoray”Conte ayaa la heli karaa, uma malaynayo in Mikel Arteta loogu kalsoonaan karo saxiixyo cusub, waxa uu noqon doonaa tababare fiican laakiin waxa uu u baahanyahay khibrad, #ArteteaOut”.

Mid kale ayaa qoray”Dabcan waxa ay ku bilaabatay guuldaro, waa dabeeci sababta oo ah xiddiguhu waxa ay garanayaan in ay tahay halka wado ee looga bixi karo xaalka #ArtetaOut”.

mid kale ayaa yidhi”Waxa la gaadhay wakhtigii…#ArtetaOut”.

“Kulankii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, #ArtetaOut, waa in ay wax is badalaan”ayuu taageere kale sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE