Wakiilka Ruben Neves Oo Riixaya In Uu Xiddigu Ku Biiro Arsenal.

Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves Ruben Neves ayaa lagu soo waramayaa in uu riixayo in uu xiddigu u dhaqaaqo Arsenal inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Mikel Arteta ayaa haatanba iska fasaxay xiddigaha Matteo Guendouzi & Dani Ceballos sidoo kale waxa la filayaa in ay iska iibiyaan Granit Xhaka kaas oo ku biiri doona kooxda Roma.

Neves ayaa la sheegayaa in loo calaamadsaday xiddiga ay kooxdu ku xoojinayso khadka dhexe Gunners ayaana la sheegayaa in ay xiddiga reer Portugal u soo bandhigtay heshiis 5 sano ah.

Sida laga soo xigtay The Sun, wakiilka Neves Jorge Mendes ayaa weli xiriir joogto ah la leh agaasimaha farsamada Arsenal Edu, waxaana uu doonayaa in heshiis la dhameystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Si kasta ha ahaatee lacagta 35-ka milyan ee ay Wolves dalbanayso ayaa ah arinta dhibaatada ku ah dhamaystirka heshiiska laakiin Gunners ayaa doonaysa saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm

SHARE