Man City Oo Doonaysa Weeraryahan Horay Ula Soo Shaqeeyay Pep Guardiola.

Manchester City ayaa isha ku heysa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski iyaga oo isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Poland inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Heshiiska weeraryahanka Robert Lewandowski ee kooxda Bayern Munich ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Bayern Munich.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, Manchester City ayaa si gaar ah ula socota xaalada Robert Lewandowski ee Bayern Munich.

Man City isha ku hayso in ay xoojiso weerarka kadib markii uu Sergio Aguero isaga tagay kooxda kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisu.

Kooxda Man City ayaa haatan dareenkooda u jeediyay saxiixa xiddiga Robert Lewandowski kadib markii ay ku adkaatay in ay Tottenham kala hadlaan saxiixa xiddiga Harry Kane.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Tallo Culus Oo Aad Ku Heli Kartid Jacaylka sodohdaa


Source: laacibfm

SHARE