Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Martin Odegaard

Baadigoobkii Arsenal ee Martin Odegaard ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo ceshan karto iyada oo Real Madrid si aad ah u doonayso in ay hesho lacag ay suuqa xagaaga ku xoojiso kooxdeeda.

Xiddiga reer Norway ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Arsenal 6 bilood oo uu amaah kula joogay Arsenal xilli ciyaareedkii hore Arsenal ayaana la rumaysanyahay in ay doonaysay in ay si toos ah ula wareegto xiddiga.

Si kasta ha ahaatee Odegaard ayaa xaqiijiyay in uuna ku soo laaban doonin Arsenal taas oo keentay in ay Arsenal raadsato xiddigo kale oo khadka dhexe ah.

Real Madrid ayaa dhankeeda ku jirta xaalad dhaqaale xumo taas oo keentay in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga Odegaard hadii ay hesho dalab fiican.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ay Los Blancos ku qabsantahay in ay iska iibiso xiddiga si ay u buuxiso xeerka mushaharka ee horyaalka La Liga.


Source: laacibfm

SHARE