Nuno Espirito Santo Oo Man City U Diray Fariin Ku Saabsan Harry Kane.

Tababaraha cusub ee Tottenham Nuno Espirito Santo ayaa sheegay in ay ka go’antahay in uu sii haysto xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Harry Kane Xilli ciyaareedka dmabe.

Tababaraha cusub ee Spurs ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalka Kane shirkiisii ​​jaraa’id ee ugu horeeyay wuxuuna yiri Kane waa “ciyaaryahankeena”.

Weeraryahanka Harry Kane ayaa bilowgii xagaagan sheeay in uu doonayo in uu ka tago kooxda Tottenham si uu u raadsado koox uu koobab kula guulaysto xilli ciyaareedyada soo socda.

Laakiin Tababaraha cusub ayaa sheegay in uuna weeraryahankiisa u ogolaan doonin in uu ka tago kooxda inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxaha Man United, city iyo chelsea.

“Waa ciyaaryahankeena, wakhtigan”ayuu Nuno yidhi.

“Ma jirto in laga hadlo wax intaas ka baxan, haatan waa in soo kabsado marka uu soo laabto waxa aan wada yeelan doonaa wadahadal fiican”.

“Haatan waa in uu isku diyaariyo waxa soo socda, waxana aan sugayaa inta uu nagu soo biirayo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Source: laacibfm

SHARE