Arsenal Vs Rangers: Gunners Oo Maanta Ciyaari Doonta Kulankoodii Labaad Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Arsenal ayaa maanta ciyaari doonta kulankoodii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo la ciyaaraya kooxda Reer Scotland ee Raners kulan xiiso leh.

Gunners ayaa doonaysa in ay gaadho guushoodii ugu horaysya ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay guuldaro la kulmeen kulankoodii hore ee todobaadkii hore.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka Rangers iyada oo Arsenal ciyaarayso kulankoodii ugu dambeeyay ee dalka Scotland ka hor inta ayna ku soo laaban London siina wadan tababarkooda.

Kulanka ayaa soo gali doona 4:00 Galabnimo wakhtiga Somaliya iyaga oo doonaya kulan uu Mikel Arteta ka hor iman doono Steven Gerard iyo kooxdiisa ku guulaystay Horyaalka Scotland xilli ciyaareedkii hore.

Sidii caadada ahayd kooxda.com ayaa ka heli doontaan natiijada kulanka isla daqiiqada ay dhamaato anaga oo soo bandhigi doono waxa uu kulanku ku dhamaaday.


Source: laacibfm

SHARE