Harry Kane Oo Qaaday Talaabo Ka Caawinaysa In Uu Ku Biiro Man City.

Xiddigaha Xulka England ayaa aaminsan in uu Harry Kane diidi doono in uu soo xaadiro tababarka kooxda Tottenham ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee Tottenham si uu ugu qasbo in uu ku biiro kooxda Man City suuqa xagaagan.

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa Tottenham u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Xagaagan si uu u raadsado koox uu kula guulaysan karo koobab xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man City ayaa dhankooda aad u doonaysa saxiixa xiddiga reer England si ay ugu xoojiso weerarkooda uguna buuxiso booska uu baneeyay Sergio Aguero kaas oo ka tagay kooxda.

Tababare Pep Guardiola ayaa dhankiisa taageero weyn u ah Xiddiga waxana ay kooxdiisu bishii hore ka gudbisay dalab dhan 100 milyan laakiin Tottenham ayaa iska markiiba diiday.

Sida laga soo xigtay wargayska The Telegraph, Xiddigaha reer England ayaa aaminsan in uu Harry Kane iska diidi doono in uu xaadiro tababarka ka hor bilaabasada xilli ciyaareedka cusub si uu Tottenham ugu qasbo in ay ka iibiso suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE