Man United Oo 68 Milyan Ku Dhamaystiraysa Laba Xiddig Oo Tayo Leh.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay heshiis la gaarto daafaca dhexe ee Real Madrid Raphael Varane iyo daafaca dambeed kaAtletico Madrid Kieran Trippier.

Labada xiddig ayaa si culus loola xidhiidhinayay Man United todobaadyadii ugu dambeeyay iayda oo uu Varane noqday bartilmaameedka 1-aad ee daafaca dhexe ee Man United halka ay Trippier u doonayso in ay la tartansiiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka.

Sida laga soo xigtay The Sun, heshiisyada labada daafac Ayaa qarka u saaran in ay dhacaan iyada oo kooxda Man United isku diyaarinayso in ay ku dhawaaqdo saxiixooda todobaadyada soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United Varane ka bixin doonto 50 milyan oo euro iyada oo kaliya hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Real Madrid.

Dhanka kale Red Devils ayaa la sheegayaa in ay 18 milyan ka bixin doonto saxiixa xiddiga Trippier iyada oo uu xiddiga reer England doonayo in uu ku biiro kooxda Man United xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE