Arsenal Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Weeraryahan U Ciyaara Barcelona.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal doonayso saxiixa weeraryahanka Barcelona ee Martin Braithwaite inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Braithwaite ayaan dooneynin inuu ka tago Barcelona, ​​lakiin dhawaan ayuu go’aansaday in uu ogolaado in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii ay kooxdu u sheegtay in uuna mustaqbal ku lahayn Camp Nou.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mundo Deportivo, Arsenal ayaa dalab 15 milyan euro ah ka gudbin doonta adeega Martin Braithwaite inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Arsenal ayaa doonaysa in ay saxiixa Ben White dhamaystirto maalmaha soo socda kadib diirada saarto xiddiga Braithwaite, kaasoo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay tartankii euro 2020.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Braithwaite si ay u dhinto mushaharka ay bixiso oo dhaafay xadkii loogu tala galay ee uu ogolaa xeerka La Liga.


Source: laacibfm

SHARE