Atletico Madrid Oo Ku Ciyaaraysa Qorshe U Dagsan Arsenal & Man United Oo Sabab U Ah.

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay daafaca midig ee kooxda Norwich City Max Aarons si ay u buuxiso booska Kieran Trippier haddii xiddiga reer England uu ku biiro Manchester United.

Aarons, oo 21 jir ah ayaa si aad ah loo qiimeeyay ka dib markii uu xilli ciyaareedkii 2-aad ka caawiyay in ay u soo dalacaan horyaalka Premier League waxana uu bartilmaameed u yahay kooxda Arsenal iyada oo uu Mikel Arteta doonayo in uu ku xoojiyo kooxdiisa

Laakiin Atletico Madrid oo isku diyarinaysa bixitaanka Kieran Trippier ayaa xiddiga Max Aarons u aragta badalka tooska ah ee xiddiga Kieran Trippier kaas oo lala xidhiidhinayo kooxda Man United.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid dhexda uga dhacayso qorshaha kooxda Arsenal ee saxiixa xiddiga Max Aarons maadama ay u doonayaan badalka tooska ah ee xiddiga Kieran Trippier.


Source: laacibfm

SHARE