Jack Grealish Oo Khal-Khal Galiyay Qorshihii Man City Ee Suqua Xagaaga.

Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Aston Villa ee Jack Grealish ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fiirsanayo in uu iska diido kooxda Man City oo 100 milyan oo euro ku doonaysa saxiixiisa suuqa xagaagan.

Kabtanka Aston Villa ayaa soo jiitay  indhaha Tababaraha Man City ee Pep Guardiola kaas oo doonaya in uu xiddiga ku darsado kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin sida laga soo xigtay talkSPORT, ilo ku dhow 25 jirkaan ayaa sheegay inuu haatan ‘ka fekerayo in uu xiddigu iska diido Man City iskana sii joogo kooxdiisa Aston Villa.

Xaqiiqada ayaa ah in ay xitaa wararku sheegayaa in uu Grealish xitaa hashiis cusub u saxiixi doono kooxda inkasta oo uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono xagaaga 2025.

Xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish ayaa wacdaro soo bandhigay xillli ciyaareedkii hore sidoo kale waxa uu door weyn ka ciyaaray gaadhista xulka England ee tartanka Euro 2020


Source: laacibfm

SHARE