Koox Serie A-da Ka Ciyaarta Oo Xaqiijisay In Ay Doonayso Saxiixa Hector Bellerin.

Madaxa fulinta kooxda Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in kooxda heysata horyaalka Serie A ay xiiseyneyso daafaca Arsenal Hector Bellerin.

Xiddiga reer Spain ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Arsenal kadib markii uu waayay booskiisa daafaca Midig ee Arsenal Kooxda Inter Milan ayaana la sheegayaa in ay ugu cad-cadyihiin saxiixa xiddiga.

Marotta ayaa shaaca ka qaaday in Nerazzurri ay isha ku heyso Bellerin iyaga oo u doonaya in uu noqdo badalka Achraf Hakimi oo ka tagay kooxda isaga oo ku biiray kooxda PSG.

Madaxa fulinta kooxda Inter Milan Giuseppe Marotta oo la hadlaya Sky Italia ayaa yidhi ”Hector Bellerin waa xiddig aan la socono”.

Kooxda Inter Milan ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab dhan 15 milyan oo euro ka gudbiso saxiixa xiddiga kaas oo dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Arsenal suuqa xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE