Thomas Tuchel Oo Bundeliga Ka Calaamadsaday Badalka Erling Haaland

Chelsea ayaa lumineysa rajada ay ka qabto saxiixa Erling Haaland xagaagan, waxaana taa badalkeeda ay u jeesteen inay isku dayaan inay la soo saxiixdaan xiddiga kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Ku guulaystay champions League ayaa doonaysa in weeraryahan cusub keento kooxda kadib markii uu Timo Werner ku dhibaatooday goolka hortiisa Haaland ayaana ahaa bartilmaameedka 1-ad ee kooxda.

Laakiin Borussia Dortmund ayaa diidan in ay iibiso xiddiga reer Norway iyaga doonaya in ay ku iibiyaan lacag dhan 175 milyan oo euro ama in uuna ka tagi doonin kooxda xagaagan.

Chelsea ayaa haatan ku qasbanaato in ay dareenkooda u jeediyaan xiddigo kale wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay dareenkooda u jeediyeen saxiixa xiddiga Robert Lewandowski.

Weerarka Robert Lewandowski ayaa dhankiisa doonaya in uu isaga tago kooxda Bayern Munich isaga oo doonaya in uu tartan cusub ciyaaro sanadaha ka dhiman xirfadiisa ciyaareed.


Source: laacibfm

SHARE