Arsenal Oo Wadahadalo La Furtay Barcelona, Daafac Ayay Ka Doonayaan.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay Barcelona wadahadalo kala qaadatay saxiixa xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Sergino Dest sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

Gunners ayaa suuqa ugu jirta daafac Midig iyada oo filaysa in ay lumiso daafaca Hectoer Bellerin kaas oo dalbaday in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Kooxda Inter Milan ayaa haatanba xaqiijisay in ay doonayso saxiixa xiddiga Hector Bellerin kaas oo ay u doonayaan badalka Achraf Hakimi.

Sida laga soo xigtay wargayska Sport, Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga Dest inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo uu Mikel Arteta taageere u yahay xiddiga u dhashay dalka America.

Mikel Arteta ayaa la dhacay qaab ciyaareedka xiddigan kadib markii uu kooxda Barcelona si fiican ugu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore waxana uu u arkaa xiddig wax weyn ku soo kordhin kara kooxdiisa

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.


Source: laacibfm

SHARE