DEG-DEG: Arsenal Oo Ku Dhawaaqday Saxiixeedii 2-aad Ee Xagaaga

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Albert Sambi Lokonga kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda reer Belguim ee Anderlecht.

Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga 21 jirka ah ee Albert Sambi Lokonga uu qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal

Xiddiga Albert Sambi Lokonga ayaa noqay saxiixii 2-aad ee ay kooxda Arsenal samaysay suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo kula biiray kooxda xiddiga Nuno Tavares oo kaga horeeyay kooxda.

Arsenal ayaa xiddiga Albert Sambi Lokonga ka soo bixisay lacag dhan 17.5 milyan euro iyo waliba lacag dhan 4.5 Guno ah isaga oo kooxda ku soo biiray.

Xiddiga reer Belguim ayaa kooxda u saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2026 isaga oo sidoo kale kooxda u xidhan doona Lambarka No.23 sida ay xaqiijisay kooxda Arsenal.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.


Source: laacibfm

SHARE