Ole Gunner Maxuu Ka Yiri In United U Dhaw Dahay Saxiixa Varane ?

Tababaraha United ee Ole Gunner ayaa diiday in uu ka hadlo wararka sheegaya in kooxdiisa ay dhaw yihiin saxiixa daafaca Real ee Varane

Wax qarsoon ma aha in United aad u doonayaan Varane kaasi oo diidan in hishiis cusub u saxiixo kooxda sababa la xaiira dhanka mushaarka ah

Mar al weydiiyay xaaladda Varane waxa uu Ole Gunner ku jawaabay ” diyaar uma ihi in aan ka hadlo ciyaartooyda kooxaha kale ”

Waxaa xusid mudan in hishiiska Varane ee Real uu dhacayo xagaag adambe , waxaana haatan kooxaha doonaya ku soo biirtay Chelsea oo iyana xiiseyneysaa 28 sano jirkaas

Arintaan ayaa imaaneysa xilli horay u soo baxeen warar sheegaya in United la meel dhigeen laacibkaas  in ay ka saxiixanayaan hishiis gaaraya 5 sano iyo mushaar sanadkii dha 10 milyan ah kaasi oo aad uga sareeya midkiisa haatan ee Real .


Source: laacibfm

SHARE