Real Madrid Oo Bar-Baro Gashay Kulankeedii 2-aad Ee Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro gashay kulankeedii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka kadib markii uu bar-baro 1/1 ah la dhaafi waayeen kooxda Rayo Vallecano Axadii.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa hogaamiyay kulankiisii 2-aad isaga oo adeegsanayay xiddigaha taamka u ahaa ee aan aadin waajibaadka xulalkooda tartamada euro 2020 iyo Copa America.

Tababare Ancelotti ayaa ciyaarsiiyay xiddio da’yar u badan maadama ay xiddigaha kooxda 1-aad intooda badan fasax ku maqanyihiin kadib markii ay ciyaareen tartamada xulalkooda.

Real Madrid ayaa ku soo gashay shaxda ah Andriy Lunin, Alvaro Odriozola, Victor Chust, Nacho, Marcelo, Antonio Blanco, Isco, Martin Odegaard, Lucas Vazquez, Sergio Arribas, Juanmi Latasa.

Xiddiga Isco oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa ayaa dhaliyay goolka ay Los Blancos dhalisay kadib markii rikoodhe loo dhigay.

Dhanka kale kooxda Rayo ayaa bar-baraysay kadib markii uu xiddiga Real Madrid ee Victor Chust si khaldan goolkiisa uga dhaliyay.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.


Source: laacibfm

SHARE