Rennes Oo Heegan Gilisay Kooxaha U Waalanaya Saxiixa Camavinga Ee Real Iyo United

Naadiga Rennes  ee France ayaa dib u soo nooleysay rajada Real iyo United ee ku aadan saxiixa xiddigooda qadka dhexe ee Camavinga

Hisiiska laacibkaas ayaa ku siman dhamaadka xilli ciyaareedka bilbaanaya waxa ayna Rennes  dooneysaa in xagaagaan ka faa`ideystaan qiimaha uu suuqa ka leeyahay

Madaxa kooxdaas oo ka hadlayay mustaqbalka Camavinga ayaa RMC ka yiri” waxaa jira illaa 8 ama 9 ciyaaryahan oo aan fasaxeyno xagaagaan”.

“Sidoo kale waa qasab in aan xal u helno mustaqbalka Camavinga , wax waliba waa dhici karaan , waxaa ina hor yaal doorasho ah in aan amaah ku dirno ama in aan toos u iibino” ayuu sii raaciyay madaxa kooxdaas reer France ee Rennes

Waxaa xusid mudan nin  21 sano jirkaan ay si fog u baadi goobayaan United iyo Real Madrid kuwaasi oo kaag dhagan tahay in xagaagaan helaan


Source: laacibfm

SHARE