Barcelona Oo Koox Cusub Premier League Ah U Soo Bandhigtay Antoine Griezmann

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay tahay kooxdii ugu dambeysay ee Barcelona ay u soo bandhigto weeraryahankeeda Antoine Griezmann xagaagan.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga 30 jirka ah kaas oo ah xiddiga ugu mushaharka badan kooxda marka laga yimaado Lionel Messi oo xor noqday bishan.

Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa loo sheegay in uu hoos u dhigo mushaharka ay kooxdiisu bixiso ka hor bilaabahada xilli ciyaareedka cusub maadama ay dhaafeen xadigii la ogolaa.

Kooxda Barcelona ayaan haatan diwaan gashan karin xiddigaha ku cusub kooxda ee Sergio Aguero, Memphis Depay & Eric Garcia kuwaas oo xagaagan qaab xor ah ugu soo biiray kooxda.

Griezmann ayaa si aad ah loola xiriirinayaa in uu ka qayb noqon doono heshiis is dhaafsi ah oo ay Atletico madrid kaga badalan doonto xiddiga khadka dhexe Saul Niguez.

Weeraryahanka ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in loo soo bandhigay kooxaha Premier League, oo ay ku jiraan Manchester City iyo Chelsea, wargayska Daily Mirror ayaana haatan sheegaysa in ay Man United kooxdii ugu dambeysay ee Barcelona ay la xiriirto.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.


Source: laacibfm

SHARE