EL Clasico: Daawo Real Madrid Oo Garaacday Barcelona, Ronaldinho & Halyeeyo Kale Ayaa Iska Hor Yimid

Halyeeyada kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa isaga hor yimid kulan xiiso leh oo ay dib ugu soo cusboonaysiiyeen xafiiltankii bari samaadkii kulan xiiso lahaa oo ay taageerayaal badan garoonka ka daawadeen.

Halyeeyada Real Madrid ayaa 3/2 ku garaacay Halyeeyada Barcelona kulan ay xiddigaha labada kooxood taageerayaasha xasuusiyeen xafiiltankii qaraamiga ahaa.

Kulanka ayaa ka dhacay caasimada Israel ee Tel Aviv iyada oo ay kulanka ka qayb qaateen Halyeeyada ay ka midka yihiin Ronaldinho, Rivaldo, Luis Figo & Roberto Carlos kulan ay daawadeen 25 kun oo taageerayaal ah.

Kooxda Barcelona ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 28-aad kadibb markii uu Ronaldinho gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa isaga oo sidaas hogaanka ugu qabtay ciyaarta.

Laakiin Real Madrid qaybtii dambe u awood sheegatay Barceona iyaga oo laba daqiiqo gudohood laba gool ku dhaliyay kadib markii ay xiddigaha Pedro Munitis & Alfonso Perez shabaqa soo taabteen.

Kooxda Barcelona ayaa 10 daqiiqo kadib bar-baraha dhalisay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jofre Mate laakiin Ruben de la Red ayaa Real Madrid u dhaliyay goolka 3-aad ee guusha ku hogaamiyay Real Madrid.

Hadaba Halkan Hoose Ka Daawo Goolasha laga dhaliyay Kulanka:

[embedded content]

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.


Source: laacibfm

SHARE